Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan ku riday laba nin oo walaalo ah iyo Haweeneey, kuwaas oo loo heysto inay diyaariyeen qarixii lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed ibraahim lugbuur iyo Wiilkiisa, kaas oo 29-kii Bishii July lagula beegsaday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in qaraxa lagu dilay Wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed & Wiilkiisa uu abuubulkiisa lahaa Maxamed Meeris Ibraahim oo maqane ah kana mid ahaa ragii ka baxsaday Xabsiga Magaalada Boosaaso xilligii ay weerareen Al-Shabaab.

0 Comments