Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud ayaa ka degay wadanka Eritera isaga oo safarkiisa ku wajahnaa in uu soo fiiriyo xaalada Dhalanyaradii tababarka loo diray muddo haatan laga joogo 3 sano.
maxadweynaha ayaa indhihiisa ku soo arkay iyagoo bad qaba misana dhameystay tababarkooda
dhalinyaradaan tababarka qaata ayaa waxa ay isugu jiraan dhamaan dhinacyada kala duwan ee ciidanka waxaana la filayaa in dib loogu soo celiyo si ay qeyb uga noqdaan howlgalada xasilinta dalka.
madaxweynaha oo qudbad dheer ka jeediyay bogaadiyeyna dhalinyarda ayaa sheegay in dalkooda u baahan yahay si ay cadawga uga dulqaadaan waxaana uu ammaan balaaran ku dul qubay madaxweynihii hore Maxamed cabdullaahi maxamed farmaajo oo kal hore xanaf ka gaartay balse madaxweyne xasan sheekh waxa uu ku tilmaay farmaajo in uu yahay nin muwaadin ah wadankana wax weyn u qabtay buug gooni ahna in lagu qoro ay tahay.

0 Comments