Barashada Ingiriisiga dugsiyda Washington: Waxa loo baahan-yahay waalidku inuu ogaado

(Learning English in Washington schools: What parents should know)

Odhaahda Himilada

(Mission Statement)

Bartyaasha Luuqadda Ingiriisigu waxay gaadhi-doonaan heerarka gobolku rabbo, waxayna ku kobcin

doonaan aqoonta luuqadda Ingiriisiga bey’ad luuqadda iyo dhaqankaba loo aqoonsan yahay inay qiime u

leeyihiin waxbarashada.

Degmooyinka ma laga rabaa inay caawiyaan ardaydu inay Ingiriisiga bartaan?

(Are districts required to help students learn English?)

Degmo dugsiyeedyadu waa inay hubiyaan in ardayda aan si fiican af ingiriisiga u aqoon, ay awoodaan

inay uga qaybqaataan si buuxda dugsiga oon loo diidin helista fursadaha waxbarasho ee loo siman

yahay. Maadaama aqoonta iyo isticmaalka Ingiriisiga ee si fiican ay lama huraan u tahay guusha dugsiga,

waa muhiim in ardayda u baahan caawimo dheeraad ah barashada Ingiriisiga ay helaan caawimada ay u

baahan yihiin.

Barnaamijyada isticmaalka luqadda waxa looga baahan yahay in:

• Aragti tacliineed oo fiican

• Fulin waxtar leh

• Beddelid iyo qiimayn barnaamij

Sidee ardaydu mutaysankaraan barnaamijka kobcinta luuqadda Ingiriisiga degmada?

(How do students qualify for a district’s English language development program?)

Marka ardaydu is qoraan dugsiga, waalidka waxa la waydiiyaa “Ilmahaagu ma ku hadlaa luuqad aan

Ingiriisiga ahayn?” Hadday jawaabtu tahay “haa”, ardaygu wuxuu qaataa Imtixaanka Meelaynta ee

Qiimaynta ku Fiicnaanshaha Luuqadda Ingiriisiga Washington (WELPA). Ardayda keenta Heerka 1

(bilawga), 2 (dhexe), ama 3 (sare) Imtixaanka Meelaynta waxay u qalmaan caawimo dheeraad ah si ay u

horumariyaan Ingiriisigooda.

Intee in leeg ayey ardaydu helayaan adeegyada barnaamijka kobcinta luuqadda Ingiriisiga

degmada?

(How long do students receive services through the district’s English language development program?)

Ardaydu waxay sii wadanayaan barnaamijka ilaa intay u baahan yihiin caawimo Ingiriisiga ah. Imtixaanka

Sannadlaha WELPA ayaa la bixiyaa si loo cabbiro korodhka ardayga ee aqoonta luuqadda Ingiriisiga iyo

xirfadaha akhrinta, qorista, dhageysiga, iyo hadalka. Dhibicda Heerka 1, 2 ama 3 ee WELPA wuxuu

go’aamiyaa in ardaygu sii wadan doono barnaamijka. Ardaydu si guul leh ayey uga wareegaan

barnaamijka marka ay buuxiyaan shuruudda ka bixista WELPA.

Waa maxay Barnaamijka Kumeel Gaadhka ah ee wax lagu barto Laba Luuqadood iyo

Cinwaanka III?

(What are the Transitional Bilingual Instruction Program and Title III?)

Barnaamijka ku meel-gaadhka ah ee wax lagu barto laba Luuqadood waxa maalgaliyey gobolka

Washington, barnaamijka Cinwaanka III na waxa maalgalisey dawladda dhexe. `ujeedada labaduba waa

in ardaydu kobciyaan aqoontooda luuqadda Ingiriisiga iyagoo dhinaca kalena kobcinaya tacliinta fasal

ahaan.