Sida ku xusan diinta Islaamka Rasuul iyo Nebi Muxamed bin Cabdullaahi bin Cabdul MudalibMohamed peace be upon him.svg wuxuu Ilaahay (koreeye) u ogolaaday in uu guursado intuu doono oo dumar ah; sidaasi darteed wuxuu guursadey 13 xaas. Intooda u badani wax ilmo ah uma dhalin nabiga, marka laga reebo Khaddiijo oo ah ooridii ugu horeeysay oo u dhashay 6 ilmo iyo Maryama al-Qibtiyya oo dhashay hal wiil.

Isku soo wada duuboo, Nebi Muxamed wuxuu dhalay 7 caruur ah, kuwaasi waxaa wiilal ka ahaa sadex: QaasimCabdullahi, iyo Ibraahim, gabdhuhuna waxay ahaayeen 4 gabdhood oo kala ah: SaynabRuqiyaUmm Kaltuum, iyo Faatima Zahra. Dhamaantoodna waxaa dhashay Khaddiijo oo ah xaaskii kowaad ee nebiga.


Wiilasha uu Nebi Muxamed dhalay waa sadex wiil oo kala ah: QaasimCabdullahi, iyo Ibraahim.

Qaasim bin Muxamed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Qaasim bin Muxamed (ingiriis: Qasim bin Mohammed; carabi: ﻗﺎﺳﻢ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Qaasim bin Muxamed") ku dhalashey magaalada Makka waa mid ka mid ah wiilasha Nebi Muxamed kaasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[1]

Sanadkii 605 C.D ayaa Qaasim Muxamed xanuusaday, wuxuuna dhintey asagoon gaadhin labo sano, waxaana lagu aasay magaalada Makka.

Cabdullahi bin Muxamed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Cabdullahi bin Muxamed (ingiriis: Abd-Allah ibn Muhammad; carabi: ﻋﺒﺪﺍﻟﻠﻪ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Cabdullahi bin Muxamed"; sidoo kale loo yaqaano: Tahir ibn Muhammad, "Daahir ibn Muxamed", "Daahir" macnaheedu waa "Nadiif"; sidoo kale: Dayib ibn Muhammad, "Dayib" macnaheedu waa "Fiicane") ku dhalashey magaalada Makka waa mid ka mid ah wiilasha Nebi Muxamed kaasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[2]

Sanadkii 615 C.D ayaa Cabdullahi Muxamed xanuusaday, wuxuuna dhintey asagoo wali aad u yar, waxaana lagu aasay magaalada Makka.

Ibraahim bin Muxamed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ibraahim bin Muxamed (ingiriis: Abraham bin Mohammed; carabi: ﺇﺑﺮﻫﻴﻢ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Ibrahim bin Muxamed") ku dhalatey magaalada Madiina bishii ugu dambeeysay ee sanadkii 8aad H.K (Hijrada Ka dib) waa mid ka mid ah wiilasha Nebi Muxamed kaasi ooy dhashay xaaskii nebiga Maryama al-Qibtiyya oo marka hore adoon ahayd oo laga keenay wadanka Masar.[3]

Wiilkani waxaa loogu magac-daray Nebi Ibraahim, waxaana yaraantiisii nuujisey Umm Sayf oo ahayd xaaska Abu Sufyaan, taasi oo sidii dhaqanku ahaa Nebi Muxamed siiyay xoogaa adhi ah. Markuu jiray qiyaastii 16 bilood ayaa Ibraahim Muxamed xanuusaday, wuxuuna dhintey Dagaalkii Tabuk ka dib asagoo 18 bilood jir ah.

Gabdhaha uu Nebigu Dhalay[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Nebi Muxamed wuxuu dhalay 7 caruur ah, kuwaasi waxaa wiilal ka ahaa sadex: QaasimCabdullahi, iyo Ibraahim, gabdhuhuna waxay ahaayeen 4 gabdhood oo kala ah: SaynabRuqiyaUmm Kaltuum, iyo Faatima Zahra. Dhamaantoodna waxaa dhashay Khaddiijo oo ah xaaskii kowaad ee nebiga.

Saynab bint Muxamed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Saynab bin Muxamed (ingiriis: Zeinab bint Muhammad; carabi: ﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Saynab bint Muxamed") ku dhalatey magaalada Makka sanadkii 600 C.D waa gabadha ugu wayn ee curada Nebi Muxamed taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[4]

Saynab waxay dhalatey sanadkii 5aad ee guurka nebiga iyo Khaddiija, wakhtigaasi oo Nebi Muxamed ahaa 30 jir. Sanadkii 629 C.D (oo ku beegan sanadkii 8aad ee Hijrada) ayaa Saynab Muxamed xanuusatay, waxayna dhimatey ayadoo 29 jir ah. Gabadhani waxaana lagu aasay magaalada Makka.


Ruqiya bint Muxamed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Ruqiya bint Muxamed (ingiriis: Ruqayyah bint Muhammad; carabi: ﺭﻗﻴﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Ruqiyya bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "ﺫﺍﺕ ﺍﻟﻬﺠﺮﺗﻴﻦ", oo macnaheedu tahay "qoftii labo jeer hijrootay") ku dhalatey magaalada Makka waa gabadha labaad ee ugu wayn caruurta Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[5]

Ruqiya Muxamed waxaa markii hore guursadey Cutayba bin Abu Lahab, kaasi ooy iska furtey markeey Islaamtey. Waxaa markii dambena guursadey asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cismaan binu Cafaan, oo markey dhimatey sanadkii 2aad ee hijrad (624 C.D taariikhda Miilaadiga) wuxuu Cusmaan dumaalay walaasheed Umm Kaltuum bint Muxamed.

Ruqiyah bintu Muxamed waxaa lagu aasay magaalada Madiina.

Umm Kaltuum bint Muxamed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Umm Kaltuum bint Muxamed (ingiriis: Umm Kulthum bint Muhammad; carabi: ﺃﻡ ﻛﻠﺜﻮﻡ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Umm Kalthum bint Muxamed") ku dhalatey magaalada Makka waa gabadha sadexaad ee ugu wayn caruurta Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[6]

Umm Kaltuum Muxamed waxaa markii hore guursadey asxaabi Cutayba bin Abu Lahab, markii dambena waxaa dumaal ku guursadey asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cismaan binu Cafaan.

Faatima bint Muxamed[wax ka badal | wax ka badal xogta]

Fatima bint Muxamed (ingiriis: Fatima bint Muhammad, Fāṭimah; carabi: ﻓﺎﻃﻤﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Faadima bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "Umm Abeeha", "Umm al-Hasanayn" Hooyadii al-Xasanayn, "Umm al-Hasan"Hooyadii Xasan, "Umm al-Husayn" Hooyadii Xuseen; Magacyo kale: al-Siddeeqah "Runsheegto", al-Mubarakah "Midii loo Naxariistey", al-Tahirah "Midii Suubanayd", al-Zakiyyah "Midii Daacada ahayd", al-Radhiyah "Midii Qanacsanayd", al-Muhaddathah "Midii Malaa'igtu la hadashey", al-Batool "Nadiifo", al-Zahra "Marwadii Ileyska/Iftiinka", Syedatun Nisa al-Alamin "Hogaanka Dumarka Dunida") ku dhalatey magaalada MakkaXijaas deegaanada Carabiya, mar ahaantaana dhimatey 13kii Jamadi-al-Awwal sanadkii 11aad ee Hijrada (taasi oo u dhiganta Arbaco Ogosto 5teedii sanadkii 632 C.D) laguna aasay magaalada MedinaXijaas deegaanada Carabiya waa gabadha ugu yar gabdhaha Nebi MuxamedMohamed peace be upon him.svg taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[7]

Faaduma Sahra Muxamed waa xaaskii asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cali binu Abi Daalib, hooyada mataanaha Xasan iyo Xuseen iyo qofta shanaad ee Ahlu-Beytka. Sababtoo ah waxay aad ugu dhowayd, daryeeli jirtey isla markaana taageeri jirtey aabaheed Nebi Muxamed, Faadumo Sahra waa mid ka mid ah dumarka loogu qadarinta badan yahay muslimiinta dhexdooda.

Faaduma nebi waxay dhimatey 13kii Jamadi-al-Awwal sanadkii 11aad ee Hijrada (taasi oo u dhiganta Arbaco Ogosto 5teedii sanadkii 632 C.D) waxaana lagu aasay magaalada MedinaXijaas deegaanada Carabiya.